R/Wasaaraha Xukuumada Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Kenya

Sunday August 08, 2021 - 14:07:13
0 Comments
332
Muqdisho

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo.

Iyagoona ka wada hadlay sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo danaha u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata sida aan ka xiganay warbaahinta qaranka.

Dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa ah laba dal oo deris oo ay ka dhexeeyaan dano badan sida diblomaasiyadda, amniga iyo arrimaha dhaqaalaha iwm.

Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment