R/Wasaaraha Xukuumada Federal ka Oo Kulan La Qaatay Ganacsatada Somaaliyeed Ee Ku Sugan Kenya

Wednesday August 11, 2021 - 21:02:33
0 Comments
349
Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah ganacstada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn ah ayaa ganacstada waxa ay uga xog warameen Ra’iisul Wasaaraha ganacasiga Soomaalida ay ku leeyihiin Kenya, horumarka ay sameyeen iyo caqabadaha heysta xilligan.

Sidoo kale Ganacstada ayaa u soo jeedinay wafdiga Ra’iisul Wasaaraha talooyin ay u arkaan in lagu hagaajin karo xoojinta xiriirka labada dal.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa ku bogaadiyay kaalinta ay ganacsatada Soomaaliyeed kaga jiraan horumarka, isagoo kula dardaarmay inay dhankooda ka hagaajiyaan xiriirka labada dal.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment