Faah-Faahin Laga Helay Dilka Xubin Ka Tirsanayd Hay'adda Sirdoonka & Nabadsigida Dalka

Friday September 03, 2021 - 15:26:53
0 Comments
283
Muqdisho

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka ayaa Warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021.

Hay'ada Sirdoonka Qaranka ayaa dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin mujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.

Iyagoona Tacsi U diray Eheladii Iyo Qaraabadii Ay ka Geeriyootay Marxuumadaas.

Hay'ada Sirdoonka qaranka ayaa Ku daba jirta dhagar qabayaashii gaystay dilka arxan dara ah, iyagoona sharciga La horkeeni doono
   ( Inaali laahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun.)


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment