Ciidamada Dowlada Oo Howlgalo Ka Samaysay Degaano Ka Tirsan G/Hiiraan

Monday September 13, 2021 - 11:54:17
0 Comments
280
Hiiraan

Howlgalladaan ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen in u jeedkooda uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa wadooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaado Degmooyinka Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale howlgalka ayaa waxaa uu ka socdaa wadada laamiga ee ka tagta Magaalada Muqdisho, isla markaana aada Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha howlgallada hogaaminaayay ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidanka ka go’an tahay in dhamaan degaanada ay ka saaraan dagaalamayaasha Uturka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa mudooyinkaan waday weeraro ay ka geeysanayaan meelo kamid ah Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment