Sedex kamid Ah Xildhibaanada barlamaanka 11-aad Ee Gobolada Waqooyi Oo Maanta Lagu Doortay Magaalada Muqdisho

Thursday January 27, 2022 - 13:49:47
0 Comments
525
MUQDISHO

Guddiga higelinta doorashada Golaha barlamaanka ee Gobolada Waqooyi ayaa dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ku doortay Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.


Kursiga 1-aad ayaa Cod gacan taag ah waxaa loogu codeeyay 101 Ergo Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud majirin wax diiday ama ka aamusay, sidaasina ayuu ugu guuleystay kursiga sumadiisu yahay Hop#244.


Kursiga 2-aad ee HOP#037 oo ay horay ugu fadhisay Hudda Axmed Cali ayaa waxaa ku tartamay, Marwo Ifraax Maxamed Cawad iyo Marwo Caasha Cabdilaahi Warsame Diiriye, balse Marwo Ifraax Maxamed Cawad ayaa kursiga ku guuleysatay kadib markii ay ka tanaasushay tartanka Caasha Cabdullaahi.


Xildhibaan Marwo Ifraax Maxamed Cawad ayaa cod gacan taag ah waxaa ugu codeeyay dhamaan codka Ergada oo dhan oo aheyd 99 , ma jirin cid ka aamustay ama diiday.


Kursiga 3-aad ee HOP#238 ayaa waxaa ku tartamaan C/laahi Cabdiqani Ibraahim iyo Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir , hayeshee markale waxaa ku soo baxay kursiga Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir kadib markii uu tanaasulay Cabdilaahi Cabdiqani Ibraahim.


Isagoo helay 98-Cod oo gacan taag ah iyadoo Ergadu tiradoodu ay ahayd101-ruux, waxaana ka aamustay 3-keliya.


Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment