Doorashada Labo Kamid Ah Kuraasta Barlamaanka Federalka Oo Maanta Lagu Qabtay Magaalada Jowhar

Monday February 07, 2022 - 14:05:53
0 Comments
349
JOWHAR

Guddiga hirgelinta doorashooyinka hirshabeelle ayaa Maanta waxaa Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ku qabtay doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.BFS.

Kursiga Koowaad ee HOP#70ayaa waxaa ku wada tartamay Cabdiraxman Maxamed Sheekh & Maxamuud Cali Bariise,Waxana ku guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh oo helay 71 cod halka Musharaxa la tartamayay uu helay helay 14 cod, waxaana halaabay 13 Cod.

Kursiga labaad ee HOP#115ayaa waxaa ku guuleystay Cali Maxamed Cumar ( Cali Balcad) oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii ay u tanaasushay Marwo, Mulki Cabdullahi Islaaw.


Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment