Mid Kamid Ah Culimada Soomaaliyeed Oo Ku Geeriyooday Qarax Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

Tuesday February 22, 2022 - 21:20:01
0 Comments
440
KISMAAYO

Qarax Xoogan oo ka dhacay guadaha Magaalada kismaayo ayaa waxaa ku Geeriyooday Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed, degaan ahaana kana soo jeeda gobolka Sool.


Shiikha ayaa lagu dilay Qaraxa loogu xiray gaari uu watay, iyadoona aysan jirin cid sheegatay qaraxaasi.


Allaha U Naxariistee Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayeey saxiib ahayeen Culimadii kala aheeyd Dr Shiikha Axmed xaaji C/raxmaan oo sanadkii 2011-kii lagu dilay Bosaaso iyo sheikh C/qaadir nuur faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe sanadkii 2013-kii.


Madaxda jubaland ayaa tacsi u diray dhammaan eheladii, asxaabtii, iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed ee ka geeriyooday Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed.


Sidoo kale Tacsi taas la mid ah waxaa diray madaxweynaha Dowlad goboleedka puntland Siciid C/laahi deni oo iminka ku sugan magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka bari.


Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment