Madaxweynaha Dowladda Puntland Oo Maanta Kulan La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Isimada Gobolka Bari (SAWIRO)

Thursday February 24, 2022 - 21:18:31
0 Comments
428
BOSAASO

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Isimada Gobolka Bari.


Isimada uu madaxweynaha kulmay waxaa ka mid ah Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad.


Isimadan ayaa ah kuwii dhowaan soo saaray bayaankii looga soo horjeeday talaabadii uu xilka kaga qaaday taliyaha ciidanka PSF iyo go’aano kale oo ay ka mid yihiin in qeyb ka mid ah dakhliga dekeda Bosaaso loo qoondeeyo horumarinta magaaladaas.


Kulanka ayaa looga hadlaya Xaalada Guud ee Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland, wuxuuna qeyb ka yahay Kulamada uu Madaxweynuhu la leeyahay qeybaha kala duwan ee Waxgaradka iyo Bulshada Gobolka Bari.


Sikastaba Hanoqotee lamana sheegin natiijada ka soo baxday shirkaas, waxaana la filayaa in kulamo kale la isugu yimaado hadii Alle idmo.




Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment