Howlgalka Midowga Afrika Ee Soomaaliya (AMISOM) Oo Lagu Wado Inuu Ku Ekaado bishan

Sunday March 06, 2022 - 13:22:00
0 Comments
295
Muqdisho

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa lagu wadaa in uu ku ekaado bishan ka dib muddo 15 sano ah oo si aan kala joogsi lahayn uu howlgalkan uga shaqeynayay Soomaaliya.


"Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo uu fasaxay Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, uuna u xilsaaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2007, waxa uu dhammaan doonaa 31-ka Maarso 2022,” AMISOM ayaa ku shaacisay baraheeda bulshada.


Marka uu dhamaado waqtiga AMISOM, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa isku raacay in la helo howlgalka ATMIS kaas oo Qaramada Midoobay ay ku shaqeyn doonto.


Sida uu qorshuhu yahay Ciidamada ammaanka dowlada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay sannadka 2023 si rasmi ah ula wareegaan doorka nabad-galyada iyo ilaalinta dalka.


20,000 askari oo AMISOM ah kuma guulaysan in wiiqaan awoodda ay Alshabaab, waxayna taas keentay in caalamku su’aallo iska weydiiyo sii jiritaanka howlgalkan oo caalamku sannad walba ku bixinayay malaayiin dollar oo ah mushaaraadka askarta AMISOM iyo adeeggooda

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment