Madaxweynaha Dowlada Jubaland Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday Beesha Caalamka

Tuesday March 15, 2022 - 23:20:08
0 Comments
401
KISMAAYO

Madaxweynaha Dowlada Jubaland qaabilay wafdi kasocday beesha Caalamka oo ay hogaaminaysay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Waxaa kale oo wafdi kamid ahaa Safiirada dalalka Norway, Sweden, Netherlands iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka.


Madaxweynaha ayaa wakiiladan heerka caalamiga ah la wadaagay xaalada abaaraha ee Jubaland ka jira taas oo ay la qabto qeybaha kala ee dalka iyo marxaladaha ku gaarka ah.


Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in gurmadka gargaar loo baahan yahay uu yahay kii ugu muhiimsanaa ee lagu samata bixinayo dadka ay abaartu saamaysay.


Madaxweynahu wuxuu tilmaamay in dadaalada socda ay u baahan yihiin kaalmo dheeraad ah isla markana ay jirto xaalad daran oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho gaar ahaan biyo yaraan daran oo Wali meelaha qaar ka jirta isla markana xoolaha iyo dadkuba ay la daala dhacayaan.


Sidoo kale Madaxweynaha xusay in Xoolaha nool ay xalaf ay u baahnayeen aysan helin taas oo sababtay in xoolo badan ay dhinteen bilihii lasoo dhaafay guud ahaan Jubaland.


Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa sheegay in abaaraha iyo fatahaada soo noqnoqday ay yihiin kuwo u baahan xal waara oo guud ahaan dalka ah lagaga samata bixinayo.


Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid aadan qaar kamid ah golaha wasiirada gaar ahaan wasiirada gargaarka iyo biyaha iyo xubno kale.



Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment