Madaxweynaha
Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada dubai ee dalka Isutaga
Imaaraadka Carabta kulan kula qaatay mid ka mid ah madaxda shirkadda DP WORLD.
Qaraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in
Madaxweynaha puntland kulan la qaatay Suhail Al Banna oo ah ma’suulka DP WORLD
u qaabilsan Bariga dhexe iyo Afrika, ayna is la garteen in sida ugu dhakhsiyo
badan loo billaabo balaarinta iyo dhismaha Dekadda Boosaaso.
Kulanka waxaa ka qeyb-galay
Wasiirka Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Axmed Yaasiin Saalax iyo
Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada kuwaasi oo markii kulanku dhammaaday booqasho
ku tegay Dekadda Jabal Cali iyo Xafiiska DP WORLD.
Wada hadalkan ayaa ku soo aadaya,markii dhawaan uu Madaxweynaha
Puntland tilmaamay in dib u eegis lagu sameeyay heshiiska dekedda Boosaaso ee
DP World.
Leave a comment