Ururka Al-Shabaab Oo Maanta La Wareegeen Gacan Ku Haynta Degmada Matabaan Ee Gobolka Hiiraan.

Saturday April 23, 2022 - 13:11:59
0 Comments
335
MATABAAN

Ururka Hubaysan ee Al-Shabaab ayaa Maanta waxaa ay si nabadgalyo ah kula wareegeen degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.


Degmada Matabaan ayaa waxaa joogay Ciidamo ka tirsan police-ka Galmudug iyo maleeshiyaad kale balse la sheegay inay isaga baxeen markii ay kusoo dhawaadeen Al-Shabaab.


Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in degmada Matabaan lagu arkaayo dagaalyahanada Shabaab oo koox koox u socda.


Degmada Matabaan ayaa ka tirsan Gobolka Hiiraan balse Maamul ahaan waxaa ay hoostagtaa Galmudug, mana ahan markii ugu horeeysay oo ay soo galaan Al-Shabaab.

Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment