Kusimaha Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Guddi Baaris Ku Sameeya Dhacdadii Dhawaan Ka Dhacday Gaalkacyo.

Sunday April 24, 2022 - 14:21:35
0 Comments
336
GAROOWE

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta magacaabay guddi baaris ku sameeya dhacdadii dhowaan ka dhacday magaalada Gaalkacyo.


Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa lagu magacaabay guddiga oo ka kooban lix xubnood.

Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan ayaa guddoomiye looga dhigay iyadoona gudigaas ay kala yihiin sidan

1: Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan. (Wasiir ku xigeenka Amniga iyo DDR). Gudoomiye

2-Xil Axmed Jaamac Cabdulle. (Xildhibaan Puntland).

3-Xil Axmed Jaamac Warsame. (Xildhibaan Puntland).

4-Gen. Caydiid Axmednuur Warsame. (Kusimaha Taliyaha Booliiska Puntland).

5- Aadan Cali Maxamuud. (Kusimaha Xeer Ilaaliyaha Ciidanka Qalabka sida ee Puntland).

6- Asad Faarax Maxamed.  (Xoghayn)

 Meeraysane.com

 

Related Items


Leave a comment