Golaha Aqalka Sare Oo Xiliga kale Uu Ku Guulaystay Cabdi Xaashi

Tuesday April 26, 2022 - 15:00:24
0 Comments
380
MUQDISHO

Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta lagu qabtay doorashada guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa kuxigeen, iyadoo ay ku tarmaeen ilaa Saddex Mushrax.


54-Mudane oo uu ka kooban yahay Aqalka Sare ayaa Goobta doorashada ku sugnaa ,waxaana doorashada Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ku tartamay Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Saalax Axmed Jaamac iyo Cusmaan Abuukar Dubbe, waxaana guuleystay.


Codadka doorashada loogu tartamaayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare waxaa loo kala helay Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo guuleystay 28 Cod, Saalax Axmed Jaamac oo isna helay 24 Cod iyo Cusmaan Abuukar Dubbe oo helay 2 Cod majirin cod halaabay.


Codadka waxaa ku dhawaaqay Maxamed Cali Yusuf gaagaab oo ahaa gudoomiyaha kumeel gaarla Aqalka sare, Waxaaa loo gudbayaa doorashada Gudoome kuxigeenada 1-aad ee Aqalka Sare iyo gudoomiye kuxigeenada Aqalka sare ee 2-aad.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment