Baarlamaanka 11-aad ee JFS Oo Xalay Saq Dhexe Doortay Gudoomiyaha Golaha Shacab Ee Federalka Somaaliya.

Thursday April 28, 2022 - 13:12:05
0 Comments
497
MUQDISHO

Doorashadii Ka socotay teendhada Afisyoone ayaa waxaa ku Guulaystay Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, kaas oo Noqday af-hayeenka golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS.


Doorashadda oo la isla gaaray wareegga labaad ayaa waxaa isku soo haray Xasan Cabdinuur iyo Sheekh Aadan Madoobe.


Guddoomiyaha KMG ee Golaha shacabka ayaa ku dhawaaqay inuu Sheekh Aadan Madoobe ku guuleystay Guddoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya, waxaana uu helay coddad gaaraya 163-cod, Hal Musharax Cabdinuur uu helay 89-cod.


Waxaa tartan ka tanaasulay Xildhibaan Cabdullahi aadan Axmed Balck iyo Xil. Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo ka soo gudbay wareegga koowaad ee doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, Hadaba natiijada tartanka wareegga labaad ayaana loo kala helaya sida tan:


1. Xil. Sheekh Aadan Maxamed Nuur waxaa uu helay 163-cod.

2. Xil. Xasan Cabdinuur waxaa uu helay 89-cod.


Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/salaan Dhabancad ayaa sheegay in berri la qabanayo doorashada Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo guddoomiye ku xigeen labaad ee golaha shacabka madaama saqdhexe la isla gaaray.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment