Xildhibanada Golaha BFS Oo Doortay Gudoomiye Kuxigeenada 1-aad Iyo 2-aad Ee Golaha Shacabka

Thursday April 28, 2022 - 22:14:40
0 Comments
408
AFISYOONI

Xildhibaan Sacdiyo Yaasin Xaaji Samatar ayaa ku guuleystay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


Sacdiyo oo laga soo doortay Puntland ayaa noqonaysa haweenaydii ugu horraysay ee ka mid noqota Guddoonka Barlamaanka Soomaaliya.


Waxay ka guuleystay Maxamed Cali Caana Nuug oo ahaa musharixii la tartamaayay.


Dhinaca kale xillibaan Cabdulaahi Cumar Abshirow ayaa isaguna ku guuleystay kursiga Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka BJFS, waxaana uu helay Codad gaaraya 146-cod .


Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay Natiijada doorashada.


Meeraysane.com

 


Related Items


Leave a comment