Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Oo Kulan La Qaatay Safiirka Dalka Ingiriiska Ee Soomaaliya

Thursday May 05, 2022 - 15:49:18
0 Comments
396
MUQDISHO

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiye ku Xigeenka Golaha Shacabka marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta waxay kulan la qaateen safiirka boqortooyada UK marwo Kate Foster.


Safiirka UK marwo Kate Foster ayaa Guddoonka Golaha Shacabka ugu hambalyeysay xilka loo doortay Guddoonka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.


Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray habsami u socodka hannaanka doorashada madaxweynaha JFS ee looga gol leeyahay in ay ku dhacdo qaab hufan, nabdoon oo lagu wada qanacsan yahay.


15-ka Bishaan May ayaa la filayaa in Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo wadajira inay Magaalada muqdisho ku doortaan Madaxweynaha Soomaaliya ee Afarta Sano ee soo socota.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment