Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Oo Kulan La Yeeshay Wakiilka Xog hayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Soomaaliya

Saturday May 07, 2022 - 16:45:32
0 Comments
388
MUQDISHO

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Xog hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. James Swan.


Kulanka ayaa looga wada hadley dhamaystirka doorashada inta ka dhiman iyo sidii ay jawi xasilloon ugu soo geba gaboobi lahayd.


Wakiilka Xog-hayaya Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u la tahay inay Guddoomiyaha ka gacan siiyaan sidii howshaasi si guul ah ugu soo dhamaan lahayd.


James Swan ayaa waxa uu ku bogaadiyay magacaabista deg-dega ah ee guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha iyo ku dhawaaqista in la qabanayo doorashada 15-ka May.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment