Guddiga Isku Dhafka Baarlamaanka Ee Doorashada Madaxwaynaha Oo Diyaariyay Hoolka Teendhada Afisyooni

Saturday May 14, 2022 - 15:54:00
0 Comments
384
MUQDISHO

Guddiga isku dhafka Baarlamaanka ee doorashada Madaxwaynaha ayaa diyaariyay Hoolka teendhada Afisyooni oo ay ka dhacayso 15-May doorashada madaxweynaha 10-aad ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.


15-ka bishan may ayaa ku began maalinta beri oo Axad ah waxaana loo balansan yahay in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada madaxweynaha oo ay ku tartamayaan 39-musharax, inkastoo mid ka mid ah musharaxiintaas uu tanaasulay.


Guddoomiyaha golaha shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ahmiyadda ay leedahay doorashada dhici doonto maalinta Axadda ah ee lagu dooranayo madaxweynaha Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay in ay leedahay aragti mideysan oo dan u ah qaranka soomaaliyeed.


Amniga Teendhada Afisyooni oo ah goobta doorashada ay ka dhaceyso iyo guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo taliska Booliska Soomaaliyeed bandow ay ku soo rogeen magaalada oo ka bilaabanaya Caawa Fiidkii 9:00-Pm kuna eg 12-ka subaxnimo ee isniinta soo socota.

Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment