Daawo: Baaq deg deg ah Oo ka soo yeeray Kusimaha madaxweynaha Gudoomiye Aadan madoobe.

Sunday September 18, 2022 - 19:00:05
0 Comments
375
Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
By Khadar Weyrah
SEP 18(MEERAYSANE MEDIA):
Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta markale ka hadlay abaaraha ka jira guud ahaan dalka, isaga oo baaq u diray ganacsatada Soomaaliyeed iyo hay’adaha deeq-bixiyaasha.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya, deeq bixiyaasha caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed inay door muhiim ah ka qaataan gurmadka loogu jiro Abaaraha, ka hor inta aysan Abaarta isku badalin Macluul.

"Waxaa ogaanay gobolada qaar dadka jooga in ay u dhintaan gaajo. Waxaa aan soo jidanayaa bilaha September iyo October in gargaarka la kordhiyo, si xili roobaadka ka hor goobaha gargaarka la gaarsiin karo si loo gaarsiiyo,” ayuu yiri Guddoomiye Madoobe.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku baaqay in gurmadka abaaraha ay xukuumaddu si degdeg ah u anbo qaadaan.

Hadalka Aadan Madoobe ayaa imanaya xili laga deyrinayo xaalada abaareed ee dalka, islamarkaana la soo warinayo in gobolada qaar dadka ku nool ay u dhinteen Abaarta.

Dhawaan unbey aheyd markii uu Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ee QM khudbad ka jeediyay uu ku sheegay in 7.8 milyan oo Soomaali ah ay wajahayaan xaaladda bini’aadannimo kadib markii ay saameysay abaarta ka jirta dalka.

Sikastaba xaalada abaarta soomaaliya ku dhufatey ayaa ah midkasii dareysey iyada oo hay'adaha QM ay diwaan galiyeen in ka badan Nus-malyan caruur soomaaliyeed ah ay dhimasho qarka usaaranyihiin macaluul darteed.

Related Items


Leave a comment