Madaxweynaha Puntland Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Deegaanka Caano-yaskax Ee Deg Garoowe

Saturday November 18, 2023 - 14:02:29
0 Comments
101
ahmed raajaa
NUGAAL
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanka Caano-yaskax oo ka tirsan Degmada Garoowe, Iyadoo soo dhoweynta ay ka qeybgaleen Maamulka Degmada Garoowe, Maamulka Gobolka Nugaal iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka Caano-yaskax.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatay waxgaradka iyo bulshada deegaanka Caano-yaskax oo uu ka dhegaystay baahiyaha ka jira deegaanka, waxaana kulamadaasi looga hadlay horumarka , nabadgelyada iyo dhameystirka hannaanka dimuqraadiyadda Puntland.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Bulshada in Shacabka oo Madaxdooda doorta ay tahay xuquuq ay muwadiiniintu leeyihiin oo dastuuri ah in la gaarsiiyo, Sidaasi darteed doorashooyinka goleyaasha ee saddexda degmo ee harsan la qaban doono dhowaan .

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku baaqay wadahadal cidkasta oo qabta aragti ka duwan dimuqraadiyadda si loo qanciyo, isagoo cafis Madaxweyne u fidiyey dhammaan Saraakiisha Ciidanka oo uu ku jiro Gen. Jimcaale Takar iyo dhammaan Ciidanka ka qeyb qaatay qalalaasihii ka dhacay Garoowe.

Siciid denied ayaa muujiyey in Maamulka dhinacooda diyaar u tahay nabad in ay ku dhacaan Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada ee loo madlanyahay.

Waxaa Safarka Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda, xubno ka mid ah Goleyaasha , Saraakiil Ciidan iyo marti sharaf kale .

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment