Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Oo Gaaray Mgaaladda Baydhabo Ee Xarunta G/Baay (SAWIRO).

Wednesday November 22, 2023 - 17:12:48
0 Comments
138
ahmed raajaa
BAYDHABO
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur ( MADOOBE ) ayaa gaaray magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur galbeed somaaliya.

Madaxweynaha dowladda gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo kusoo dhoweeyay wafdiga uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS.

Socdaalka gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ah ka qeybgalka Shirka Xildhibaannada labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashoodu tahay Koonfur Galbeed iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay uga arinsan lahaayeen geeddiga dowlad dhiska Soomaaliya, howlgalka wajiga 2-aad ee dagaalka iyo wax ka qabashada saamaynta fatahaadaha.



Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment