R/Wasaaraha XFS Oo Hambalyo U Diray Hoggaanka Shirkada Hormuud

Friday November 24, 2023 - 21:49:04
0 Comments
148
ahmed raajaa
MUQDISHO
R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay guusha <span;>Soomaaliya ee billadda Hoggaamiyaha sanadka 2023-ka ee abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo dhigay qoraal bartiisa Facebook ayaa waxa uu ku yiri, "Muwaadin Soomaaliyeed in uu ku guuleysto abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka, waxa ay ifafaalo wanaagsan ka bixinaysaa horumarka Tiknaloojiyadda dalkeenna iyo hal abuurka dadka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale qoraalka ayuu Ra’iisul Wasaaraha ku sii xusay, "Billadda uu ku guuleystay Guddoomiyaha Hormuud Telecom Xaaji Axmed Maxamuud Yuusuf ee hoggaamiyayaasha shirkadaha isgaarsiinta caalamka ee ka shaqeeyey horumarinta isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda dalalkooda waa mid ay ku wada guuleysteen dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ee durafihii adkaa ku wajahay dhabar adayg iyo dadnimo.”

Ugu dambeen Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Shirkadda Hormuud, hoggaan iyo howlwadeenba waxa uu ugu hambalyeeyay guushan taariikhiga ah, isaga oo bogaadinaya doorka wanaagsan ee shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan horumarka dalka.

Related Items


Leave a comment