Dowlad Goboleedka Jubaland Oo Gargaar Gaarsiisay Shacabka Degmada Afmadow

Saturday November 25, 2023 - 12:50:48
0 Comments
144
ahmed raajaa
Afmadow
Dowlad gobolleedka Jubaland ayaa gargaar isugu jirta Daawooyin,Raashin,Doomo iyo bacaha Roobka la isaga dhigo gaarsiisay Shacabka ku nool Degmada Afmadow ooay saameeyeen Fatahaadihii Roobabkii ka da’ay Deegaanada Jubaland.

Gargaarkan ayaa waxa Deegaanka Gaarsiiyey Xildhibaanada Golaha shacabka iyo Senotarada Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay degmada Afmadow.

Xildhibaanada ayaa waxa gargaarka kala wareegay taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow Gaashanle dhexe Mahad Maxamed Islaam waxaana uu uga mahadceliyey madaxwaynaha Jubbaland iyo waliba xildhibaanada gargaarka ay soo gaarsiiyeen dadka danyarta ah ee Degmada Afmadow.
Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment