Golaha Shacabka Oo Mar kale Ka Dooday Ka Jawaabista Fatahaadaha (VIDEO)

Wednesday November 29, 2023 - 18:07:35
0 Comments
143
ahmed raajaa
MUQDISHO
Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 2-aad ee golaha shacabka Baarlamaanka JFS oo maanta uu shir guddoomiyay guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka JFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa waxaa uu ajandihiisu ahaa dhameystirka doodii socotay ee la xiriirtay xaalada fatahaadaha ka jira dalka iyo khasaarihii ka dhashay, iyo qeybtinta warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka ku dhamaaday 31-ka Decembar 2022-ka iyo qeybinta qoondaha Miisaaniyadda 2024.

Xildhibaannada golaha shacabka ee si isku mid ah ugu dooday ugana qiirooday, waxaa kamid ahaa xildhibaan C/qaadir cadoow oo qoysaska Soomaaliyeed ee wax yeeladu ka so gaartay fatahaada iyo daadadka ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolada dalka, waxayna xildhibaannadu soo jeediyeen in hay’adaha dowladda u xilsaaratay arrimaha samafalka iyo mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha dudaha dowladda FS loo yeero.

Guddoomiyaha gplaha shacabka oo soo gunnaanaday kulanka maanta ayaa waxaa uu ku soo gabagabeeyay in loo yeero wasiirka arrimaha gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyo Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka si wax looga weeydiiyo xaalada fataahaadaha ka jira dalka iyo halka ay wax marayaan, maadaama Xildhibaannada soo jeediyeen.

Meeraysane.com 

 

Related Items


Leave a comment