GAROOWE
Taliyaha Ciidanka Booliiska DPL Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire
ayaa gudoomiyay Shirka todobaad laha ah ee Hoggaanada Ciidanka Booliska Puntland.
Kulanka oo ka dhacay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland waxaa ka qayb galay Taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka booliska S/guuto caydiid Axmed Nuur Iyo Hogaanadda booliska ayaa ugu horayntii waxaa looga hadlay :-
● Soo afjarida dhibaatada kasoo cusboonaatay xeebaha Puntland iyadoo ciidanka booliska ay wadaan howlgalo Lagu soo qabanayo burcad badeed dhawaanahan afuubyo doonyo gaysatay.
●Ciidanka Booliska Puntland ayaa wada fulinta howlgalo lagula dagaalamayo dadka dhaca baabuurta kashaqaynaya magaalooyinka Puntland iyadoo qayb kamida lasooqabtay.
● Sidoo kale Saraakiisha ayaa ka hadalay ciribtirka kooxaha Argigixisadda oo Gobolka Bari Qarax ka gaystay goob ganacsi oo kuyaal magaaladda Boosaaso waxaana socda Howlgalo lagu ladagaalamayo.
Mahadsanidiin.
~ DHAMMAAD ~
XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND
Leave a comment