Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Oo Diiday Go'aankii Maxkamadda Sare

Monday December 11, 2023 - 17:18:23
0 Comments
72
ahmed raajaa
GAROOWE
Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Abwaan Cabdidirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa diiday go’aankii maxkamadda sare Puntland ay ku laashay muddo kororsigii sannadka ahaa ee uu baarlamaanku sameystay.

Jawaab celinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland  ee go'aankii ay soo saareen xubno kamid ah Maxkamadda Dastuuriga ah ee DPL, kaas oo kasoo horjeeda qodobada 25-aad, 89-aad iyo 94-aad ee Dastuurka DPL iyo xeerka Maxkamadda Dastuuriga ah qodobadiisa 10-aad iyo 12-aad.

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa yimid, kadib markii baarlamaanku ku kala aragti duwanaaday go’aanka maxkamadda. Qaar kamid ah ayaa soo dhoweeyay go’aanka maxkmadda, iyagoo ku baaqay in golaha lasoo xiro.





Related Items


Leave a comment