Soomaaliya iyo Jarmalka Oo Kala Saxiixday Mashruuc Lagu Maalagalinayo ilaaha Wax soo saarka Ee dalka

Friday December 15, 2023 - 14:58:09
0 Comments
68
ahmed raajaa
MUQDISHO
Mashruucan ayaa waxaa Iska kaashanaya dowlaha Soomaliya oo ku matalayso Hay’adda Gargaara iyo jarmalka oo ka wakil ah Banigga horumarinta (KWF), iyada oo hadafka laga leeyahay ay tahay sidii loo kobcin lahaa awooda bankiyadda Soomaaliyeed  iyo in qeyb weyn ka qaataan horumairnta bulshada qeybaheeda kala duwan.

waxuuna mashruuca kor u qaadayaa  Qeybo kala duwan sida beeraha, -xoolaha, kaluumaysiga, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Dalxiiska,

Madasha waxaa ka qeyb-galay Maxaxda dowaldda Federaalka Soomaaliya, Bankigg-yada dalka iyo masuu’alayiin kale. Heshiiskan oo ay wada gaareen hay,adda Gargaara iyo iyo KWF  waxa uu ahniyadd u leeyahay bulshada nugal si kor loogu qaado dhaqaalahooda.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaara Suleymaan Cabdil Ducaale ayaa warbaahinta u faah-faahiyay muhiimada ay mashriicda maalgalinta dalkeennu u leedadahay.

Agaasimha Guud ee Hay’adda Istaatiskada Qaranka Sharmaake Maxamed ayaa ayaa sheegay in waddanka fursado badan tan ka ballaaran ay wadda kusoo jiraan tasoo mudnaan siinayso horumarka bulshada iyo shaqa Abuurka.

Guddoomiyaha Midowga Bangiyada Soomaaliya (SBA) Mudane Shirwac ayaa dhankiisa soo dhaweeyay daddaalka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adda  Gargaara iyo dowladda KWF ee Jarmalka, wuxuuna tilmayay in howlaha socda ay ka turjumayso soo noolaynta hay’addaha Dhaqaalaha dalka sida Bangiyada.

Waxaan balanqaadeynaa wada shaqeynta dhankeenna laga filaayo,waxaan rajeyneynaa inaan ka soo bixi doono,Gargaarana naguma cusbo waan la shaqeynaa ee kaliya waxaa cusub qeybtaan kale (KWF) waxuuna heshiiskan ku soo aaday waqti munaasib ah oo deyn cafinta loo dabaaldagayo,  Insha Allah gacanta waan furi doonnaa dadbadan ayaa ka faa’ideysan doono oo shaqo abuur heli doono.” Ayuu hoosta ka xariiqay  Shirwac.

Hay’adda Gargaara Lt, oo isku xirta hay’addaha maalgalinta,  dowladda iyo Aduunka ayaa waddo daddaalo lagu horumarinayo  bulshada qeybaha muhiim u ah adeegyada  buslahda.

Mashruucaan ay kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo Jarmalka waaa ku baxay 17.7 million oo Euro ah.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment