Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Wafdi Uu Hoggaaminaayo Oo Gasray Dalka Yugaandha

Friday December 15, 2023 - 16:29:21
0 Comments
67
ahmed raajaa
MUQDISHO
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Yuganda,halkaasi oo loogu sameeyay soo dhoweyn diirran.

Wafdiga uu hoggaminaayo madaxweynaha ayaa maanta lagu wadaa in ay ka qeybgalaan munaasabad si rasmi ah loogu saxiixayo ka mid noqoshada Soomaaliya ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

24-kii bishii hore ayeey aheyd markii si rasmi ah loogu dhawaqay in Soomaaliya ay kamid tahay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika,kadib dadaal badan oo ay sameeyeen madaxda dalka

Related Items


Leave a comment