R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Oo Caawa Gaaray Dalka jabuuti2

Monday December 18, 2023 - 23:13:15
0 Comments
51
ahmed raajaa
JABUUTI
R/Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Jabuuti, oo uu kaga qayb galayo shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage.

Madasha ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa kobcinta dhaqanka nabadda geeska, taas oo saamayn ku leh guud ahaan bulshooyinka gobolka, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti ayaa soo dhaweeyey wafdiga Ra’iisal wasaaraha oo ay qayb ka yihiin xubno ka tirsan xukuumadda, waxaana sidoo kale uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalka Jabuuti.

Meeraysane.com 


Related Items


Leave a comment