Musharax U Taagnaa Xilka Madaxweynaha Puntland Oo Shil Gaari Ku Geeriyooday Saakay.

Tuesday December 19, 2023 - 13:56:25
0 Comments
236
ahmed raajaa
GAROOWE
Allaha u Naxariistee waxaa geeriyooday Kamid ah Musharrixiintii u taagnaa Xilka Madaxweynaha dowladda Puntland kaas oo saaka ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa Qardho iyo Boosaaso.

Musharrax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf (Af-Gaduud) ayaa sida la xaqiijiyay ku geeriyooday shill gaari oo saaka ka dhacay degaanka Qayaadsame ee Gobolka Bari.

Marxuum Cabdicasiis Af-Gaduud ayaa ka soo kicitimay Boosaaso, isagoona ku sii jeeday magaalada Qardho halkaas oo ay ka socotay soo dhaweyntiisa.

Geerida naxdinta leh Waxaa ka tacsiyeeyay dowladda Puntland iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.


 Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment