Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Tuesday December 19, 2023 - 14:10:46
0 Comments
59
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wafdi isugu jira saraakiil  oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Jabuuti G/lle sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaana si weyn usoo dhaweeyey Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska General Cismaan Cabdullaahi Kaniif iyo saraakiil kale.

Safarka Taliyaha ayaa la xiriira ka qeyb galka Munaasabadda weyn ee 80 sano guurada Aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku beegan 20kii December.

Wafdiga taliyaha ayaa loo galbiyey xarunta Taliska ee Komaanda Boliisiya si halkaas uu ugu qaabilo Taliyaha Ciidanka Booliska General Sulub Axmed Firin.

Meeraysane.com 


Related Items


Leave a comment