MADAXWEYNAHA OO XILKA KA QAADAY LATALIYAHA XIRIIRKA CAALAMIGA AH IYO ISUDUWAHA BARNAAMIJYADA

Saturday December 23, 2023 - 18:20:55
0 Comments
58
ahmed raajaa
MUQDISHO
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Mudane Nasa Cige oo ahaa Lataliyaha Madaxweynaha ee xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Lataliyaha Hore wakhtiga uu usoo shaqeeyey dalkiisa, isagoo tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso xoojinta xiriirka ay leedahay caalamka si waafaqsan dahana iyo arrimaha hortabinta u leh shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Janhuuriyadda ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in masuuliyiinta dowladdu ay ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed si masuuliyad leh oo ilaalinaysa qiyamka iyo nidaamka dowladnimada.

DHAMAAD

Related Items


Leave a comment