Boqorka Beelaha Darood Oo Kulan Ugu Baaqay isimada Puntland

Sunday December 24, 2023 - 15:05:37
0 Comments
88
ahmed raajaa
QARDHO
Bayaanka ka soo baxay boqorka beelaha darood ayaa lagu bilaabay sida caadada u ah dadka islaamka ah sidan:-

Bismillaahi

Ugu horreyn waxaan soo dhaweynayaa oo ku ixtiraamayaa go'aankii Isimmada SSC-Khaatumo ay ka gaareen aayahooda.

Waxaan shacabka Puntland ugu baaqayaa in ay is dejiyaan, waxaan  rajeynayaa in aysan wax dhib ah dhaceyn. Maadaama xaaladda guud ee dalku is beddeshey taas oo ku timid si degdeg ah, isla markaana ku beegantey wakhti xasaasi ah. 

Waxaan ku baaqayaa in Isimmada Puntland shir degdeg ah isugu yimaadaan si looga tashado AAYAHA PUNTLAND. Waxaan maamulka Puntland, Musharixiinta iyo Siyaasiyiinta kale ugu baaqayaa in meel la iska dhigo faraqa u dhexeeya loona midoobo badbaadinta Puntland.

Mar labaad waxaan ugu baaqayaa Isimmada, culimada, aqoonyahanka iyo haldoorka in loo guntado badbaadinta Puntland oo la isugu yimaado shir.

Wabillaahi towfiiq

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment