Madaxweynaha JFS  Oo Safar Ugu Baxay Dalka Jamhuuriyadda Djibouti.

Thursday December 28, 2023 - 13:09:43
0 Comments
75
ahmed raajaa
MUQDISHO
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ugu baxay magaalada Djibouti ee dalka Jamhuuriyadda Djibouti.

Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa ah in la sii ambaqaado dadaalka wadahadallka u dhexeeya DFS iyo Somaliland iyo xalinta colaadaha dalka ka aloosan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wafdiga uu horkacayo ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga ee DFS Mudane Jibriil Cabdirashiid iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga Gaarka ah ee wadahadalada DFS iyo Somaliland.

Dowladda aanu walaalaha nahay ee Djibouti ayaa martigelineysa dadaala nabada ee socda, iyadoo dhanka Somaliland uu wadahadalka uga qeybgalayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kale.


Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment