Laba Askeri ka Tirsan Ciidamada Police-ka Gobolka Mudug Oo Xalay lagu dilay Galkacho

Thursday December 28, 2023 - 13:29:04
0 Comments
71
ahmed raajaa
GALKACYO
Ciidanka Booliska Puntland ayaa raadinaya Edeysane Xuseen Muuse Faarax iyo Maxamed Xuseen Muuse oo xalay magalada Galkacayo gaar ahaan xaafadda Halabokhad ku dilay laba sarkaal oo police ka qaybta Gobolka Mudug ka tirsanaa.

Lama oga sababta dilka ciidamada, kuwaas oo lagu kala magacaabo X/le Xuseen  Cabdul Cumar iyo X/le Sakariye Maxamed Diiriye iyagoo fulinayay waran loo Soo jarey edeysanaha.

Ciidamada ayaa sheegay Qofkasta oo garanaya halka ay joogaan waxa lagu boorinayaa in uu ka waco Ciidanka Booliiska Puntland Tell: +252905500000 ama lambarka gaaban ee
Booliska 999 ama saldhiga booliiska ee kuugu dhow.

FIIROGAARAH: Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.

Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7 .


Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment