Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo soo xiray shirweynaha dhiiragalinta maalgashiga kalluumeysiga

Sunday December 31, 2023 - 19:10:30
0 Comments
61
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa soo xiray shirweynaha dhiiragalinta Maalgashiga Kalluumeysiga kaas oo ay soo qaban qaabisay Madasha Dhaxalreeb.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhammaan dhibanacyada ku foogan Kalluumeysiga ee guud ahaan dalka, aqoonyahan, khuburo iyo ardayda Jaamacadaha ee barata culuumta badda.

Shirkan oo muddo laba maalin ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay cilmibaarisyo iyo warbixinno ku saabsan Kalluumeysiga Soomaaliya,

fursadaha maalgashi ee ka jira iyo caqabadaha ku gaddaan.

Wasiirka wasaaradda oo soo xiray shirkan ayaa Madasha ka sheegay in wasaaraddu ay diyaar u tahay dhiirigalinta maalgashiga Kalluumeysiga dalka si taas loo gaarana ay diyaarisay inta badan shuruurcyada iyo istiraatiijadaha muhuumka u ah dhiirgalinta Maalgashiga Kalluumeysiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ah ee dalka.

Waxaana uu intaa ku daray in ay wasaaraddu xoogga saareyso dib u hirginta dhammaan kaabashaaya dhaqaale ee Kalluumeysiga dalka si kor loogu qaado wax soo saarka Kalluunka.

Madasha dhaxal-reeb ee soo qaban qaabisay shirweynahan iyo dhammaan ka soo qeybgaleyaasha ayuu ku bogaadiyey sida  firfircoon ee ay uga qeybqaadanayaan horumarinta Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee dalka

Related Items


Leave a comment