Musharrixiinta Madaxweynaha Puntland oo Qodobo ka soo saaray liiska xildhibaanada cusub

Monday January 01, 2024 - 15:18:23
0 Comments
198
ahmed raajaa
GAROOWE
Musharrixiinta Madaxweynaha Puntland oo maanta shir deg deg ah isugu yimid ayaa gebi ahaanba qaadday liiska cusub ee Baarlamanka Puntland ee xalay shaaciyay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha puntland ayaa waxaa lagu  sheegay shir deg-deg ah uga wada hadleen liiska been abuurka ah ee uu madaxweynaha waqtigiisu dhamaadka yahay uu xalay soo saaray.

Sida uu caddeeyay gudoomiyaha gudiga khilaafadka iyo xulista xildhibaanada, liiska ayaan haysan sharciyada hab-raacii  rasmiga ahaa ayna ku badan yihiin xubno aan soo gudbisan arajidii saxda ahayd.

Musharixiintu waxay kulan la qateen gudiga Amniga doorashada ayna kawada hadleen liiska liiska soo baxay.

Gudigu waxay balan qadeen inaan liiska lasoo saaray loo gudbin doonin dhaarinta ilaa xal laga gaaro.

Musharixiintu waxay lasocdaan inay dhaarinyu socoto, sidaasi darateed musharixiintu waxay soo saarayaan qodobadan.

1-Musharixiinti waxay shacabka reer puntland u cadeeynayaan inaysan aqoonsanayn liiska baalmarsan hab-,raacii lagu soo xuli jiray golaha wakiilada.

2-musharixiitu waxay kaloo cadeenayaan inaysan doorasho ku galayn liiska sharci darada ah ee soo baxay.

3-musharixiintu waxay uga digayaan madaxweynaha maalmuhu u dhiman yihiin inuusan dalka u horseedin burbur, amni daro iyo qalalaase siyaasadeed, uuna isagu qaadi doono masuuliyada wixii ka yimaado.

Magacyada musharixiinta hoos ka aqriso

1-C/wali maxamed Cali gaas
2-Amb, Axmed ciise cawad
3-Gen Asad Cismaan c/laahi
4-Xasan Shire abgaal
5-Faarax Cali Shire
6-maxamed c/raxmaan faroole
7-Maxuud ibraahim xayir
8-Vumar ismaciil waaberi
9-Dr Guuleed salaad Barre
10-Cali gashaan Cali
11-Aadan sheekhdoon cali
12-Dr maxamuud maxamed mashruuc
13- c/ladiif muuse nuur sanyare
14-maxamuud khaliif jabiye

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment