Gudoomiyaha golaha wkiilada cusub ee puntland oo maanta la doortay

Thursday January 04, 2024 - 12:01:46
0 Comments
193
ahmed raajaa
GAROOWE
Waxaa Gudoomiyaha golaha wakiilada loo doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Siciid shanta sano ee soo socota kadib markii ay tanaasuleen Musharrixiintii ula gudbi lahaa Wareegga labaad.

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Wakiilada Puntland mudane Xasan Cabdalla Xasan oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Natiijada Wareega Kowaad ee Doorashada isagoo shaaciyay in mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid uu ku guulaystay Guddoomiyaha cusub.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa Wareegii kowaad ee Doorashada ka helay 37 cod halka Musharrixiintii ku soo xigay ee Mursal Maxamuud Cabdi iyo Maxamed Faarax Maxamed Gabyo oo helay min 10 cod kadibna ka tanaasuleen Wareegga 2-aad ee Doorashada, sidaasina uu ku noqday gudoonka golaha wakiilada puntland.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa isna ku haray Wareega Kowaad ee Doorashada Guddoonka kadib markii uu helay 8 cod oo keliya.

Related Items


Leave a comment