Ingiriiska oo sheegay in ay ixtiraam u hayaan madax banaanida iyo midnimada dhul ee Soomaaliya

Friday January 05, 2024 - 14:31:06
0 Comments
86
ahmed raajaa
MUQDISHO
Dowladda Ingiriiska ayaa dib u xaqiijisay  in ay ixtiraam buuxa u hayaan madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

,"Ingiriisku waxa uu ka walaacsan yahay xiisadaha sii kordheysa ee Geeska Afrika,sidaa daraadeed,Waxa ay ku baaqeen in la is xakameeyo oo la wada hadlo,isla markaana si nabad ah lagu dhameeyo xiisadaha jira”ayuu yiri safiirku.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta caalamka ayaa sheegtay in ay dib u cusboonaysiiyeen taageerada ay siiso Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday heshiis beenaad ay wada gaareen maamulka Soomaaliland iyo Itoobiya,waxayna ku tilmaantay inuu yahay mid halis ku ah deris wanaaga.

isniintii, oo tariikhduahayd /1/1/2023 Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku kala saxiixday waxa lagu tilmaamay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan in Itoobiya ay marin u hesho badda cas.

meeraysane.com

Related Items


Leave a comment