Guddoomiyha Golaha Shacabka oo guddoomiyay kulanka 8-aad ee Golaha Shacabka

Saturday January 06, 2024 - 21:06:30
0 Comments
78
ahmed raajaa
MUQDISHO
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyay kalfdhiga 4-aad kulankiisa 8-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliyeed, akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha.

qeybinta warbixinta akhrinta 2-aad ee xisaab-xirka miisaaniyad sannadeedka 2022-ka iyo qeybinta Hindise Sharciyeedka Dib u Eegista Sharciga La-dagaalanka Burcad Badeedka iyo Ka hortaga Afduubka ee sharciga LR 36, 30 Abriil 1975-ta.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ugu horreyn ka dooday sharciga Shaqaalaha Dalka, ayaa waxay sheegeen in waqtiyada shaqada aan cayimneen, iyagoona soo hadal qaaday in xuquuq loo helo, kuwa ku naafoobay iyagoo u shaqeynaayo qaranka, lana ilaaliyo xuquuqdooda. Xildhinaannadu ayaa waxay xuseen in loo sinnaado shaqooyinka iyo waqtiyada la shaqeeyo, waxaana ay soo jeediyeen in la tayeeyo aqoonta iyo dhismaha khibrada shaqalaaha, loona sameeyo tababaro ku sabaansan shaqadooda. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa faray in Hindise Sharciyeedka xeerka Shaqaalaha lagu wareejiyo Guddiga Arrimaha Bulshada si ay u soo turxaan bixiyaan ka dibna ay dib ugu soo celiyaan fadhiga Golaha Shacabka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo marti ku ahaa fadhiga Golaha ayaa xildhibaanada ka hor akhriyey Hindise Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacyaasha, isagoona ka jawaabay su’aalo ay weydiyeen Xildhibannada, kaas oo inta badan looga dooday xuquuqda barakacyaasha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gunnaanadka kulankan soo xiray fadhiga maanta ee Golaha ayaa amray in Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Barakacyaasha lagu wareejiyo Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka si ay ugu soo shaqeeyaan sharcigan.

Related Items


Leave a comment