Madaxweynaha jamhuuriyada federalka soomaaliya oo kormeeray taliska guud ee Ciidanka XDS

Wednesday January 10, 2024 - 14:22:58
0 Comments
85
ahmed raajaa
MUQDISHO
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay, taliska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , waxaana halkaas ku soo dhaweeyay taliyaha ciidanka XDS S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow, isagoo halkaas salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan Xoogga Dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha JFS oo kulan guud uu la qaatay, taliyaha Xoogga Dalka, taliyaasha ciidammada Badda, Cirka, taliye ku xigeenka ciidamada dhulka ee Xoogga dalka ayaa warbixinno ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka,

Shirka guud ee Madaxweynaha Qaranka uu la qaatay Saraakiisha Ciidanka XDS waxaa goob joog ka ahaa saraakiisha madax hogaannada iyo taliska guud ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment