8-ruux oo ku geeriyootay dagaal maanta ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan difaaca gobolka sool

Wednesday January 10, 2024 - 19:32:36
0 Comments
70
ahmed raajaa
GOBOLKA SOOL
Ilaa iyo 8 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 10 ruuxna ku dhaawacmeen dagaal xooggan oo maanta ka dhacay inta u dhexaysa Laascaanood iyo Gambadhe.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalkaas uu  dhexmaray laba ciidan oo ahaa kuwii kal hore gurmad ugu tegay jamahiirta SSC-khaatumo dagaalka ayaa ka dhashay gaari tikniko ah oo laga qabsaday ciidamada maamulka Somaliland.

Dagaalka ayaa ka dhacay nawaaxiga Maraaga kadib markii ciidamo ka soo baxay Guumays oo watay gaariga Somaliland laga furtay ay jid-gooyo u dhigteen ciidamo kale kuwaa oo kasoo wada jeeda puntland.

Sikastaba hanoqotee Dagaalka ayaa iminka joogsaday waxaana ciidamadii ka yimid Guumays u soo gudbeen dhinaca Gambadhe oo ay hadda ku sugan yihiin

Wixii ka soo kordha waan idiin soo gudbinaynaa .

Related Items


Leave a comment