Madaxeyne kuxigeenka Puntland oo si rasmi ah xilka uula wareegay maanta

Thursday January 11, 2024 - 15:17:16
0 Comments
75
ahmed raajaa
GAROOWE
Waxaa si rasmi ah maanta xilka ula wareegay Madaxweyne Ku-xigeenka cusub Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor isagoo uu ku wareejiyay madacweyne kuxigeenkii hore Axmed karaash.

Xaflada xil wareejinta waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Munaasabadda oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland, waxaa sidoo kale ka qeybgalay Garsoorka Puntland, Golaha Wasiirada, Saraakiisha Amniga Madaxtooyada, Agaasimeyaasha Madaxtooyada, la taliyeyaal Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, wuxuu muujiyey sida uu ugu faraxsanahay inuu xilka wareejiyay iyadoo guul weyn laga gaaray difaaca Gobolka Sool, isagoo u mahadceliyay Madaxweyna Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Golaha Wasiirada , Ciidamada Amniga iyo Saraakiisha Madaxtooyada ee ay soo wada shaqeeyeen.

Madaxweyne Ku-xigeenka cusub ee Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo hadlay wuxuu uga mahadceliyay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay isagoo muujiyey marwalbo inuu u yahay Odey geed fadhi ah oo uu kala tashan doono Arrimaha Puntland iyo gaar ahaan Arrimaha SSC khaatumo.



Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment