Taliyaha Ciidanka Xoogga dala Soomaaliyeed oo maanta kormeer Shaqo ku tegay xerada tababarka Turkisom ee Muqdisho.

Monday January 15, 2024 - 13:54:00
0 Comments
67
ahmed raajaa
MUQDISHO
Taliyaha Ciidanka Xoogga dala Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa maanta kormeer Shaqo ku tegay xerada tababarka Turkisom ee Muqdisho.

Taliyaha oo kulamo kala duwan la qaatay Saraakiisha sare ee Taliska Turkisom ayaa kaga mahadceliyay sida ay u garab taagan yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay qayb weyn ka qaataan tayeynta iyo tababarada Ciidamada xoogga dalka ee dagaalka kula jiro khawaayijta.

Taliyaha ayaa ciidamada iyo sarkiisha xerada kala hadlay sidii loo xoojin lahaa dhismaha iyo Tababarada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed,si guud ahaan dalka looga xoreeyo khawaarijta

"Saraakiisha Dugsiga tababarka CXDS Ee Turkisom waxaan kala hadlay sidii loo xoojin lahaa dhismaha iyo Tababarada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed maadaama ay dhawdahay xiligii la soo afjari lahaa maleeshiyada Argagixisada Khawaarijta Ee dalkeena dhibaatada ka gaystay”Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment