Ciidamada police-ka G/banaadir oo faah-faahin ka bixiyay qarixii maanta ka dhacay Muqdisho

Tuesday January 16, 2024 - 14:14:48
0 Comments
82
ahmed raajaa
MUDISHO
Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in qof naftii hallige ahaa uu isku qarxiyay bannaanka hore ee maqaayadda Al-Hindi oo ku taalla degmada Xamar weyne xilli ay eryanayeen ciidamada ammaanka.

Booliska ayaa tilmaamay inay ku dhinteen seddex ruux halka ay ku dhaawacmeen laba qof oo goobta ka ag-dhawaa.

Booliska ayaa sheegay in goobta uu qaraxu ka dhacay ay ka socdaan baaritaanno, dibna ay kasoo saari doonaan faah-faahinno dheeri ah.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment