Sedex kamid ah R/wasaareyashii soo maray dalka oo maanta soo gaaray magaalada garoowe.

Wednesday January 24, 2024 - 20:50:33
0 Comments
98
ahmed raajaa
GAROOWE
Qaar kamid ah R/wasaarayaashii hore ee dalka soo maray ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada garoowe.

Madaxdaas ayaa waxaay kala yihiin R/wasaare maxamed xuseen rooble, R/wasaare xasan Cali khayre, iyo R/wasaare C/wali Cali gaas .

Iyagoo siweyn loogu soo dhaweeyay gegida diyaaradaha Gen.maxamed Abshir ee garoowe.

Soo dhaweynta kadib hadalo gaaban oo ay jeediyeen ayeey ku shegeen in puntland go gol dhigeen dhigina jireen loona baahan yahay in lagu taydo.

Sikasta hanoqotee waxaa magaalada garoowe soo buux dhaafiyay wafuud kala duwan oo doonaya inay ka qayb galaan caleemo saarka madaxdii 8/1/2024 lagu doortay magaalada garoowe.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment