Madaxwynaha puntland oo qaabilay wafdi ka socday Jamhuuriyadda Jabuuti

Wednesday January 24, 2024 - 23:37:14
0 Comments
66
ahmed raajaa
GAROOWE
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Jabuuti.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Muumin Xasan Barre , uuna qeyb ka yahay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, Ambassadeur Maxamed Rashiid kuwaasi oo u yimi ka qeybgalka Caleemasaarka Madaxweynaha Puntland.

Madaxda ka socotay dalka jabuuti ayaa soo gaaray caasimada puntland maanta si ay uga qayb galaan caleema saarka madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka puntland oo ku beegan maalinta beri ah.



Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment