Madaxweynaha puntland oo dalbaday in muddo 45 maalin ah ugu daraan barlamaanka puntland

Saturday January 27, 2024 - 15:43:43
0 Comments
57
ahmed raajaa
GAROOWE
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dalab Codsi u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi oo uu ka dalbaday in muddo 45 maalin ah ugu daraan wakhtiga uu ku soo dhisayo Xukuumadda cusub.

Illo ku dhow madaxtooyada puntland ayaa laga soo xigtay in Guddoonka Baarlanaanka Maamulka uu ka codsaday Madaxweynaha in waqti dheeraad ah ugu  daraan si uu u soo magacaabayo Xukuumaddiisa cusub ee laga sugayo inuu soo dhiso.

Sababta waxaa lagu sheegay inuu Madaxweyne Deni weli ku mashquulsan yahay dhismaha xukuumadda cusub, isla-markaana uu wado watashiyo guud ee ku aadan golaha wasiirada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxweynaha uu qorsheynayo inuu u baxo safar dibadeed, taas oo kamid ah waxyaabaha keenay dib u dhaca dhismaha xukuumadda.

Dhinaca kale Baarlamanka dowlad Goboleedka Puntland weli kama soo jawaabin codsiga uga yimid Siciid Deni ee uu ku dalbanayo in loo kordhiyo wakhtiga uu ku soo dhisayo xukuumadda.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment