Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga,

Sunday January 28, 2024 - 19:22:17
0 Comments
52
ahmed raajaa
ROMA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay kaga qeyb-geli doonaan Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub.

Shirkan waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ka jeedin doonaa khudbad uu diiradda ku saarayo iskaashiga dhaqaale, fududeynta isu-socodka iyo arrimaha amniga, sidoo kale, waxa uu ku soo bandhigi doona muhiimadda xasilloonida gobolka, ixtiraamka mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u dul istaagi doona xad-gudubka ka dhanka madax-bannaanida Soomaaliya ee dhawaan ay Itoobiya ku dhiirratay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iftiimin doona dadaalka aan kala joogsiga lahayn ee Soomaaliya ay ugu jirto la dagaallanka argagixisada iyo dib u dhiska ciidamada.

Madaxweynaha ayaa shirku inta uu socdo waxa uu kulammo labo geesood ah la qaadan doonaa madax iyo mas’uuliyiin ay ka mid yihiin;

1 Mudane Azali Assoumani, Madaxweynaha dalka Comoros, ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika.

2 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto.

3 Madaxweynaha dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki.

4 Agaasimaha Maamulka ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) Marwo Kristalina Georgieva,

Related Items


Leave a comment